HomeAll newsIska Hor Imaadyo Ingiriiska Ku Dhexmaraya Shacab Careysan iyo Ciidamada Booliiska.

Iska Hor Imaadyo Ingiriiska Ku Dhexmaraya Shacab Careysan iyo Ciidamada Booliiska.

Magaalada Sandarland ee dhacda wuqooyi bari dalka Ingiriiska, ayaa waxaa ka dhacay iska hor imaadyo dhexmaray dadweyne careysan iyo ciidamada booliiska, kadib markii magaaladu ay marti gelisya weerar lagu dilay dhowr qof.

Isniintii lasoo dhaafay ayaa weerar Toorreyn loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Sandarland, waxaa lagu dilay ugu yaraan 3 gabdhood, waxaana markaas kadib ciidamada booliisku billaabeen baaritaanno la xiriira dhacdada.

Iska hor imaadyada dhexmray dadka careysan iyo ciidamada booliiska Ingiriiska, waxaa ka dhashey dhaawaca 3 askari oo Booliis ah, halka xabsiga loo taxaabay ugu yaraan 8 ruux.

Ciidamada booliiska Ingiriiska ayaa sheegay in wax laga xumaado tahay iska hor imaadyada ka dhacaya wadanka, oo ay ku tilmaameen inuu yahay kuwii ugu xooganaa ee waayadii dambe ka dhaca wadanka Ingiriiska.

Iska hor imaadyada dhexmaraya dadka careysan iyo booliiska Ingiriiska, ayaa kusoo aaday iyadoo dhawaan weerar toorrey loo adeegsaday uu ka dhacay magaala xeebeedka South Port, dhacdadan ayaana amakaag iyo fajac ku riday guud ahaan shacabka Ingiriiska.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular