HomeAll newsCiidamada Ammaanka Iiraan Oo Xabsiga Dhigay Saraakiil Badan.

Ciidamada Ammaanka Iiraan Oo Xabsiga Dhigay Saraakiil Badan.

Wargeyska Washington Post ee kasoo baxa dalka Maraykanka, ayaa daabacay warbixin tilmaameysa in sirdoonka dalka Iiraan uu saacdihii lasoo dhaafay xabsiga u taxaabay xubno iyo masuuliyiin muhiim ah oo katirsan xukuumadda shiicada ah ee Tehraan.

Saraakiisha xabsiga la dhigay ayaa isuga jira saraakiil sirdoon, masuuliyiin milliteri iyo xubno kamid ahaa qeybta hay’adda martigelinta ee xukuumadda shiicada ah ee Iiraan, waxaana su’aalo lagu weydiinayaa xabsiyo qarsoon.

Ciidamada kacaanka Iiraan ayaa wada baaritaanno la xiriira qaabka uu u dhacay weerarkii lagu dilay Ismaaciil Haniyah oo kamid ahaa saraakiisha kooxaha Muqaawamada, kaasoo dhawaan lagu dilay bartamaha magaalada Tehraan ee caasimadda Iiraan.

Saraakiisha xabsiga loo taxaabay ee dowladda Iiraan katirsan, ayaa sida warbixintu tilmaameyso waxaa la weydiinayaa suurtogalnimada kaalin ay ku lahaayeen weerarka lagu dilay Ismaaciil Haniyah.

Inakstoo weli aan si rasmi ah loo xaqiijin waxa uu ahaa weerarkii lagu dilay Ismaaciil Haniyah, hadana waxaa la xoojinayaa in qarax loogu xiray guriga uu deganaa, taasoo ka dhigan ikhtiraaq amni oo lagu sameeyay sirdoonka xukuumadda shiicada ah ee Iiraan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular