Habeenkii xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa fuliyay weeraro ka dhan ah askarta shisheeye ee duullaanka ku jooga dalka iyo kuwa dowladda fedaraalka ee ku sugan qeybo kamid ah gobalka Sh-hoose.
Ciiidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxa ay weeraro ku qaadeen, fariisimo ay askarta shisheeye gaar ahaan kuwa Uganda ku leeyihiin deegaanada Laanta Buuro iyo Numbar60 oo kawada tirsan Sh-hoose.
Sidoo kale waxay ciidamada Al-Shabaab weeraro ku mireen, fariisimaha ay askarta dowladda fedaraalka ku leeyihiin magaalada Marka iyo degaannada kala ah Lafoole, Ceelasha Biyaha, Jaziira iyo xaafadaha Buundo Bilan iyo Buulo Bacaad oo dhammaantood wada dhaca gobalka Sh-hoose iyo duleedka magaalada Muqdisho.
Geesta kale Weerar kamiin ah ayaa askar katirsan dowladda Kenya lagula beegsaday, inta udhexeysa Wajeer iyo Madnheera oo kawada tirsan dhulalka NFD ee ku hoos jira gumesiga dowladda Kenya.
Qarax lala beegsaday kolonyada ayaa waxa uu haleelay gaari Mutabiish ah oo ay la scodeen askarta Kenya, kaas oo gabi ahaanba gubtay, halka ay dhimasho iyo dhaawac uqeybsameen askartii saarneyd gaariga.