Dabkan oo ahaa mid xooggan ayaa ka kacay suuqa Tooy ee ku yaalla xaafadda Kibeera oo katirsan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.
Khasaare kala duwan oo naf iyo maalba leh ayaa ka dhashay dabkaan, waxaana ku nafwaayay ilaa 4 ruux oo uu ku jiray cunug yar, sida sheegayaan wararka la helayo.
Dhinaca kale dabkan basbeeliyay suuqa ganacsi ee ku yaalla Nairobi, ayaa waxay wararku tilmaamayaan inuu saameeyay, ilaa 2,000 oo ganacsato ah, kuwaas oo xarumo ganacsi ku lahaa suuqa.
Ma ahan markii ugu horreysay oo uu dab ka kaco suuqan, bishii lixaad ee Sannadkii hore ayey ahayd, markii sidan oo kale dab ka kacay suuqan khasaare ka dhashay uu saameeyay ganacsatada wax ku iibsada.