Wararka ka imaanaya dhulka Filastiin ee kujira gumeysiga Yahuudda, ayaa tilmaamaya in ruux mindi ku hubeysan uu weerar khasaare dhaliyay ka geystay meel u dhow magaalada Talla’biib oo ay caasimad ka dhigteen Yahuudda.
Ruux Filastiini ah oo lagu magacaabo Cammaar ayaa weerar ka geystay magaalada Xooloon ee u dhow Talla’biib, wuxuuna halkaas ku dilay haweeney Yahuudiyad ah, isagoo sidoo kale dhaawacay 3 ruux oo kale.
War kasoo baxay booliiska maamulka Yahuudda ayaa lagu sheegay in fuliyaha weerarka uu yahay Filastiini kasoo jeeda deegaannada Daanta galbeed, ayna ciidamadu ku guuleysteen iney dilaan.
Wasiirka arimaha amniga maamulka Yahiidda xagjirka Sahyuuniga ah ee lagu magacaabo Bin Gafiir, ayaa tagay goobta uu weerarka ka dhacay, wuxuuna Yahuudda ku booriyay dhamaantooda iney is hubeeyaan, si ay uga hortagaan weerarada keligii duulnimada ah ee ay fuliyaan dhalinyarada Muslimiinta Filastiin.
Yaa’iir Labiid, oo isaguna ah hogaamiyaha mucaaradka Yahuudda, ayaa fashil amni ku tilmaamay weerarka ka dhacay meel u dhow Talla’biib, wuxuuna wasiirka amniga ee Yahuudda ku sheegay wasiirkii ugu fashilka badnaa ee soo mara maamulka Yahuudda.