Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee caasimadda wadanka Kenya, ayaa tilmaamaya in dab xoogan uu ka kacay suuq ku yaala magaalada.
Dabkan oo ahaa mid xooggan ayaa ka kacay suuqa Tooy ee ku yaalla xaafadda Kibeera oo katirsan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.
Khasaare hatiyeed iyo mid nafeed oo kala duwan ayaa ka dhashay dabkan, waxaana ku nafwaayay ilaa 4 ruux oo uu ku jiray ilmo yar, sida ay sheegayaan wararka laga helayo.
Dhinaca kale dabkan basbeeliyay suuqa ganacsi ee ku yaalla Nairobi, ayaa waxay wararku tilmaamayaan inuu saameeyay, ilaa 2,000 oo ganacsato ah, kuwaas oo goobo ganacsi ku lahaa suuqa.
Ma ahan markii ugu horreysay oo uu dab ka kaco suuqan ku yaala Nairobi, bishii lixaad ee sannadkii hore ayey ahayd, markii sidan oo kale dab ka kacay suuqan khasaare ka dhashay uu saameeyay ganacsatada wax ku iibsada.