Galabnimadii maalintii shalay oo Sabti ahayd, ayaa qarax ka dhacay koonfurta dalka Yemen, waxaa lagu dilay sarkaal sare oo katirsan malleeshiyaadka ku daaban Imaaraatka Carabta iyo maamulka Aala-Sucuud ee dhibaatada ku haya reer Yemen.
Malleeshiyaadka lagu magacaabo Al-Camaaliqa ayaa ku dhawaaqay in sarkaalka lagu magacaabo Suldaan Bajaash lagu dilay qarax gaari uu saarnaa lagula beegsaday, mandiqad lagu magacaabo Al-Fayuush oo katirsan gobolka Laxaj, 50 kilmoterna kaga beegan wuqooyiga magaalada Cadan oo ah caasimadda kumeel gaarka ah ee xukuumadda Yemen.
Taliyaha guud ee guutooyinka Al-Camaaliqa, oo ah malleeshiyaad ka amar qaata Imaaraatka Carabta iyo maamulka Aala-Sucuud, ayaa xaqiijiyay geerida sarkaalkan, oo uu sheegay inuu muhiim u ahaa dagaalka ay ku jiraan.
Inkastoo aaney jirin cid si rasmi ah u sheegatay dilka sarkaalkan, hadana malleeshiyaadku waxay tilmaameen in dilkiisa ay ka dambeeyaan argagaxisada, oo ay ula jeedaan Mujaahidiinta ka dagaallama wadanka Yemen.