Maaamulka la baxay Jubbaland, ayaa magaalada Kismaayo kawada hawlgal ka dhan ah inshareerka sharciga ah oo ay gabdhaha muslimaadku xirtaan.
Taliye ku xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose ahna Taliyaha Saldhiga Degmada Kismaayo ee maamulka la baxay Jubbalanad, Warsame Axmed Geelle ayaa waxa uu sheegay in muddo 4 maalmood ah ay wateen howlgal ay kusoo uruurinayeen niqaabka, ugu dambeynna ay dab qabad siiyeen indho-shareeradii ay haweenka kasoo uruuriyeen.
Tallaabadan ayaa kamid ah tallaabooyinka ay qaadaan maamul goboleedyada iyo Dowladda Federaalka, waxaana culimada Muslimiintu sheegeen iney ka hor imaaneyso Diinta Islaamka, maadaama niqaabku yahay mid sharci ah oo ay haweenka Saxaabiyaatka ah qaadan jireen.
Asmaa Binti Abii Bakar As-Saddiiq Radiyallaahu canhaa ayaa waxay tiri ” Waxaan wejiyadeena ka daboolan jirnay ragga”.
Halkan ka dhagays tallaabada maamulka labaxay Jubbaland ee ka dhanka ah Niqaabka.