Haweeneyda Ra’iisul wasaaraha ka ah xukuumadda Bangaladesh ayaa ku dhawaaqday iney is casishey, iyadoo isaga carartay wadanka.
Ash-Sheykha Xuseynah ayaa maanta oo Isniin ah, waxay ku dhawaaqday iney iska caishey xilkii ra’iisul wasaaranimo ee ay ka heysay wadanka Bangaladesh, iyadoo isaga cararay guud ahaanba dalka.
Milliteriga wadanka Bangaladesh ayaa xaqiijiyay in Ash-Sheykha Xuseynah ay ka baxday wadanka, kuna sugantahay dalka Hindiya, iyadoo si rasmi ah u cilaamisay iney iska casishey xilka madaxtnimada.
Dibadbaxyaal careysan ayaa maanta xoog ku galay xarunta ay ka degneyd magaalada DEKKA ee caasimadda wadanka Bangaladesh, haweeney wariyad ah oo ka ag dhow ra’iisul wasaaraddan is casishey ayaa sheegtay in xukuumadda New Delhi ay ballanqaaday marti gelinta ra’iisul wasaaradda xilka isaka dhiibtay.
Todobaadyadii lasoo dhaafay, wuxuu dalka Bangaladesh marti gelinayay banaanbaxyo xoogan oo dhiig badan ku daatay, ciidamada ammaanka ayaana dilay ugu yaraan 300 oo ruux oo shacab ah.