Aadan Baare Ducaale oo ah Wasiirka Degaanka ee dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday, in musuqmaasuqa ka dhex jira Kenya uu dhibaato kala duwan ku hayo laamaha kala duwan ee dowladdaas.
Ninkaan oo horey usoo noqday wasiirka wasaaradda gaashaandhigga ee dowladda Kenya ayaa tilmaamay, in masuqumaasuqa ka dhex jiray xukuumadda Nairobi uu ka daran yahay halista ay kala kulmayaan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Kisaska la xiriira arrimaha dhulalka ayuu xusay inuu ka jiro musuqmaasuqa ugu daran ee ku dhex baahay dowladda Kenya.
Halkan ka dhagayso warka Aadan Barre Ducaale.