Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, waxaa habeenkii xalay ka dhacay weerar qaraxyo loo adeegsaday, kaasoo lagu qaaday hooyga magaaladaas uu ka deganyahay gudoomiyaha baarlamaanka Dowladda Federaalka Aadan Madoobe.
Rag katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa qaaaday weerarka, waxaana ka dhashey waxyeello soo gaartay ciidamada ilaalada gudoomiyaha Baarlamaanka ee guriga ku sugnaa.
Dhanka kale, qaraxyo ayaa magaalada Baardheere ee gobolka Gedo lagula beegsaday, ciidamo Itoobiyaan ah oo dhex lugeynayay magaalada.
Qaraxyada ayaa ahaa kuwa xoogan, waxaana ka dhashey waxyeello kala duwan oo gaartay askarta Xabashida.