Bulshada ku dhaqan magaalada Beydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa ka hadlay, dhibaatada uu qaadku ku hayo dadka ku nool magaaladaas.
Waxa ay sheegeen in qaadka uu dhulka la galay dhaqaalaha dadka, kuwa ugu badan ee ku aafeysanna ay yihiin dhalinyarada.
Sidoo kale waxa ay tilmaameen inuu dhibaato ku hayo caafimaadka bulshada, kaas oo ay dadka isticmaala ka dhaxli karaan cudurro kala duwan.