Wasaaradda dagaalka ee Maraykanka The Pentagon, ayaa xaqiijisay in saldhiga ciidamada Maraykanka ee Caynul Asad oo dhaca galbeedka wadanka Ciraaq, uu la kulmay weerar sawaariikh loo adeegsaday.
Wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa sheegtay in habeenkii xalay sawaariikhda nooca Katiyooashaha lagu garaacay saldhiga Ceynul Asad ee galbeedka dalka Ciraaq, duqeyntuna geysatay khasaare gaaray ciidamada Maraykanka.
Wasaaradda dagaalka ee Maraykanka, waxay xaqiijisay in tiro ciidamo Ameerikaan ah ay ku dhaawacmeen duqeynta, kuwaaso aaney tiradoodu sheegin, waxaana socda qiimeyn ku aadan waxyeellada guud ee duqeyntaasi geysatay.
Dalka Ciraaq, ayaa marti gelinaya weeraro duqeymo ah oo ay fuliyaan kooxaha shiicada ee taabacsan Iiraan, kuwaasoo uu muran iyo khilaaf kala dhexeeyo xukuumadda Washington.
Marka laga yimaado duqeymaha ay iyagu geysanayaan, waxay dowladda Maraykanka iyaduna dhowrjeer duqeymo ay ku beegstay malleeshiyaadka shiicada ah ka fulisay dalka Ciraaq, taasoo geysatay khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac.