Waxaa darawallada kaxeeya gaadiidka Bajaajka ee magaalada Muqdisho, ay ka cabanayaan lacago dheeraad ah oo ay kusoo rogtay Dowladda Federaalka.
Darawalladan ayaa banaanbax ka dhigay magaalada Muqdisho, waxayna tilmaameen in lagu soo rogay lacago dheeraad ah oo min 200 oo doollar ah, taasoo ay sheegeen inaaney awoodi karin iney bixiyaan.
Lacagaha ay ka qaadaan wasaaradaha kala duwan ee Dowladda Federaalka, ayay bajaajleydu ku tilmaameen baad iyo xoog sheegasho, iyagoo tilmaamay in lacagaha kasoo galaya bajaajka aaney dhameyn inta ay Dowladda Federaalka dalbaneyso in la siiyo.
Halkan ka dhagayso cabashada Bajaajleyda Muqdisho.