HomeAll newsCiidamada Itoobiya oo Si Buuxda Uga Baxay Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Ciidamada Itoobiya oo Si Buuxda Uga Baxay Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Kadib 10 sano oo ay ciidamada Itoobiya duullaan qaawan ku joogeen demgada Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxay dhawaan si rasmi ah uga guureen saldhigii ay ku lahaayeen magaalada.

Ciidamada Itoobiya oo bilihii lasoo dhaafay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka waday qeybo kamid ah gobolka Hiiraan, ayaa ugu dameyn ka guuray Maxaas, oo ay duullaan milliteri ku joogeen 10 sano oo kaamil ah.

Taliska ciidamada Shisheeye ee ATMIS ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in ciidamada Itoobiya ay ka baxeen Maxaas, ammaanka magaaladana ay ku wareejiyeen ciidamada Dowladda Federaalka.

Qoraal lasoo dhigay barta X ee ATMIS, ayaa lagu sheegay in ciidamada Itoobiya ay ka baxeen Maxaas, tallaabadanna ay qeyb ka tahay howlgalka xilwareejinta amniga ee ay Shisheeyuhu ka wadaan Soomaaliya.

Munaasabad ka dhacday saldhiga ciidamada Itoobiya kaga sugnaan jireen Maxaas, ayaa waxaa ka qeybgalay masuuliyiin ka socotay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, kaasoo lojistikada ka taageera duullaanka lagu soo qaaday Soomaaliya.

Dadka ku nool degmada Maxaas ayaa aad usoo dhaweeyey tallaabadan, waxayna sheegeen in ciidamada Itoobiya ay dhibaato ku hayeen magaalada intii ay joogeen.

Maamulka Hir Shabeelle ee degmada Maxaas ayaa waxaa lasoo gudboonaatay xaalad walwal ah, waxaana ay ka cabsi qabaan in magaaladu soo weeraraan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo aan sidaasi uga fogeyn.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular