HomeAll newsIn ka Badan 10 Ruux oo ku Dhimatay Roobab ka Da'ay Woqooyiga...

In ka Badan 10 Ruux oo ku Dhimatay Roobab ka Da’ay Woqooyiga Suudaan.

Wararka ka imanaya wuqooyi bari wadanka Suudaan, ayaa tilmaamaya in halkaas ay ka da’een roobab mahiigaan ah, oo dhaliyay daadad iyo dumitaanka guryo badan oo ay dad ku noolaayeen.

Meelaha ugu daran ee ay roobabku ka da’een waxaa kamid ah magaalada Abuu Xamad, waxaana ka dhashey burburka boqollaal guryo ah, iyo dhimashada inkabadan 10 ruux.

Wakaaladda wararka ee Faransiiska oo soo xiganeysa qaar kamid ah shaqaalah isbitaalka magaalada Abuu Xamad, ayaa sheegtay in ugu yaraan 17 ruux ay ku dhinten roobabka ka da’ay magaalada, oo sababay iney soo dumaan boqollaal guryo.

Marka laga soo tago burburka guryaha iyo dadka dhintay, waxaa jira dad dhaawacyo qaba, kuwaasoo la dhigay isbitaallada caafimaadka, xaalada magaalada ayaana ah mid cakiran, iyadoo roobabku ay sidoo kale saameeyeen suuqii ganacsiga ee magaalada.

Magaalada Abuu Xamad, ayaa qiyaastii 400km wuqooyi kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Al-Khardhuum, waana magaalo aad u yar oo hoostagta gobolka An-Niil.

Inta u dhexeysa bilaha May illaa October, waxaa Suudaan ka da’a roobab xoogan oo sababa daadad iyo dabyelo ay waxyeello kasoo gaarto dadka reer Suudaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular