HomeAll newsNidaamka Nuseyriyada oo Xabsiga Dhigay Dad Suuriyaan ah oo Kasoo Noqday Lubnaan.

Nidaamka Nuseyriyada oo Xabsiga Dhigay Dad Suuriyaan ah oo Kasoo Noqday Lubnaan.

Waxaa dalka Suuriya lagu qabtay tobanaan ruux oo Suuriyaan ah, kuwaasoo kasoo noqday barakac ay ku aadeen dalka Lubnaan oo ay sanadihii lasoo dhaafay u qaxeen dad badan oo Suuriyaan ah.

Warbixinno la helayo ayaa tilmaamaya in ugu yaraan 90 ruux oo Suuriyaan ah, kana soo noqday wadanka Lubnaan lagu xiray dalka Suuriya bishii todobaad ee aynu soo dhaafnay.

Sida ay tilmaamayaan ehellada qaarkood oo warbaahinta la hadlay, waxaa dadkan la qafaashey ay isuga jiraan dhalinyaro, caruur, waayeello iyo haween, iyadoo dhalinyarada gaashaan-qaadka ah si qasab ah loo askareeyay, halka inta soo harteyna xabsiyo loo taxaabay.

Tallaabadan uu Nidaamka Nuseyriyada ee Suuriya ku xiray dadkan kasoo noqday dalka Lubnaan, ayaa qeyb ka ah tacadiyada iyo gabood-fallada ka dhanka ah muslimiinta Ahlu Sunnaha, nidaamka ayaana si gaar ah u cadowsanaya dadka kasoo noqda dalka dibadiisa, gaar ahana wadamada deriska sida Lubnaan iyo Turkiga.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular