HomeAll newsMaxaannu ka Naqaanaa Dalka Bangaladesh ee Marti Geliyay Kacdoonno Xilka Looga Tuuray...

Maxaannu ka Naqaanaa Dalka Bangaladesh ee Marti Geliyay Kacdoonno Xilka Looga Tuuray Xuseynah?

Magac ahaan dalkan waxaa lagu magacaabaa Jamhuuriyadda shacbiga ee Bangaladesh, ama Bangaladesh, magaala madaxdiisuna waa Dakkaa, luuqadda looga hadlo wadankana waa Bangaali iyo luuqadda Englishka.

Nidaamka siyaasiga ah ee wadanka waa nidaam Jamhuuri ah, 16-kii December 1971-dii ayuuna wadankan ka go’ay dalka Pakistaan, isagoo taageero iyo taakulo ka helaya dowladda hinduuska ee Hindiya.

Marka laga hadlayo juqraafi ahaan, wuxuu dalka Bangaladesh dhacaa koonfur bari qaaradda Aasiya, jihooyinka galbeed, bari iyo wuqooyina waxaa kaga aadan wadanka Hindiya, koonfurna waxaa kaga beegan gacanka Bangaaliya, halka jihada fog ee koonfur barina xuduud kala leeyahay Miyanmar.

Masaaxo ahaan dalka Bangaladesh waxaa uu ku fadhiyaa bed dhan 147 kun iyo 570 kiilomoter isku wareeg ah, mawaarida dabiiciga ah ee uu Alle ku manneystay wadankanna waxaa kamid ah gaaska, dhul beereedyada, geedaha laga qoro alwaaxyada iyo dhuxusha.

Halkaan ka Dhageyso Falanqeyn- Taariikhda Dalka Bangaladesh

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular