Waxaa saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weeraro ka fuliyeen qeybo kamid ah Soomaaliya iyo dhulka NFD ee ku jira gumeysiga dowladda Kenya.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxay habeenkii xalay weerar ku qaadeen saldhiga ciidamada Shisheeye ee Jannaale.
Waxay sidoo kale wadada isku xirta Jannaale iyo Buufow qaraxyo kula beegsadeen kolonyo katirsan ciidamada Shisheeye iyo kuwa Dowladda Federaalka, waxaana ku dhaawacmey 2 askari Ugandhees ah iyo 2 sarkaal Soomaali miino-baarayaal ah.
Sidoo kale, weerar lagu qaaday saldhiga ciidamada Kenya ee deegaanka Sheekh Barow oo hoostaga degmada Lafeey ee gobalka Mandheera, waxaa ku dhaawacmey askari Kenyaati ah.
Ciidamo katirsan kuwa Dowladda Federaalka ayaa iyagana qarax lagula beegsaday agagaarka Jaamacadda Shabeelle ee duleedka Muqdisho, waxaana ku dhintay 2 askari, halka uu mid kalena ku dhaawacmey. Masuuliyadda qaraxan waxaa sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.