HomeUncategorizedXasan Sheekh oo Xalay ku Hoyday Xalane Kadib Cabsi Amni oo Soo...

Xasan Sheekh oo Xalay ku Hoyday Xalane Kadib Cabsi Amni oo Soo Wajahday.[DHAGEYSO]

Madaxweynaha dowladda fedaraalka Xasan Sheekh ayaa Xalay lagala cararay xarunta Maxdaxtooyada iyadoo uu ku hoyday xerada Xalane, kadib Markii loo sheegay in Xakarada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ugu soo daadan karaan halka uu ka degan yahay madaxtooyada.

Aqalka madaxtooyada dowladda fedaraalka ayaa laga dareemayaa cabsi xooggan, kadib markii lagu wargeliyay in lala beegsan karo weeraro waaweyn oo kaga yimaada dhanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Kadib weerarkii xooganaa ee ay dhawaan dagaalyahanno katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, gaar ahaan guutadeeda naftood-hurayaasha ku qaadeen, Hotel lagu magacaabo Beach view oo ku yaalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, oo ay degaansadaan madax sarsare oo katirsan DF, ayaa waxaa halka looga taliyo dowladda fedaraalka ee Villa Soomaaliya soo wajahay cabsi xooggan, taasoo ah in looga baqdin qabo weerar lamid ah ama daran kii maalmo kahor ka dhacay xeebta Liido oo kale.

Halkaan ka Dhageyso Warka Cabsida Xasan Sheekh

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular