Waxaa dib usoo cusboonaaday dagaallo culus oo ka dhacaya gobolka Deyru-Zuur ee bariga Suuriya, kaasoo dhexmaraya malleeshiyaadka Kurdiyiinta ee kusugan qeybo kamid ah gobolka iyo askar hab qaaa’il u abaabulan oo kasoo horjeeda Kurdiyiinta.
Deegaanka lagu magacaabo Adh-Dheyba ee hoostaga magaalada Al-Mayaadiin ayaa kamid ah goobaha ay dagaallada xoogan ka dhaceen, magaalada ayaana marti gelisya duqeymo xoogan oo ay ku garaaceen malleeshiyaadka Kurdiyiinta ee ku daaban Maraykanka.
Ugu yaraan 3 ruux oo shacab ah ayaa ku geeriyooday dagaallada ka socda gobolka Dayru-Zuur, halka inkabadan 15 ruuxna la dhigay isbitaallada caafimaadka kadib markii ay dhaawacyo soo gaareen.
Malleeshiyaadka Kurdiyiinta ayaa Bandow kusoo rogay qeybo kamid ah deegaannada Dayru-Zuur, waxayna tilmaamayaan in malleeshiyaadka qabaa’ilka ay gadaal kasoo riixeyso dowladda IIraan, taasoo aan weli la cadeyn karin.