Magaalada Muqdisho oo ah caasimadda Soomaaliya waxaa ka jira hoos ballaaran oo dhaqaalaha ah arrinkaas oo saameyn xun ku reebay malaayiin qof.
Hoos udhaca dhaqaalaha ayaa saameyntiisa laga dareemayaa,suuqyada ganacsiga,xaafadaha iyo maqaayada ay dadku ku shaahaan.
Intabadan kaabayaashii dhaqaalaha ee dhaq dhqaaqoodu wanaagsanaa ayaa gaabis kujira arrinkaas oo hadal heyn badan ka dhax dhaliyay bulshada waxaana loo sababaynaa dhaqaale darrada caasimadda ka jira khalalaasaha ay abuurtay dowladda Xasan Gurguurte.
Baraha bulshada waxaa isbuucan qabsaday ka hadalka wax ay dhalinyaradu ugu yeereen “Shiidka Xamar”, kumanaan dhigaallo ah oo lagu daabacay Social Media ayaa mid mid laysku dultaagay halka ay mushkiladdu kajirto.
Ugu horrayn waxay dadku sheegeen in dib udhaca ganacsiga caasimadda uu la koowsaday doorashadii Xasan Sheekh illaa billaawgii sanadkan uu dhaqaaluhu sagxadda tagay.
“Shiidka iyo busaaradda magaalada Xamar ka jira wuxuu gaaray in dadku ay shaah shuban waayaan marka ay maqaayadaha tagaan, waxaa aad u adkaatay in lahelo lacag” ayuu yiri qof qoraal ku faafinayay barta Facebook.
Muuqaallo koo kooban oo ay iskasoo duubeen dadka Muqdisho ayay uga cawdeen dhaqaalaha dhulka kusii hoobanaya waxayna dhaliil xooggan ujeediyeen dowladda Xasan Gurguurtay oo ay sheegeen in ay lacago canshuuro ah kusoo rogtay guryaha iyo ganacsiga arrinkaas oo sabab unoqday in dadkii loo shaqeynayay ay awoodi waayeen in ay isku bixiyaan mushaarka shaqaalaha iyo lacagaha baadda ah ee laduldhigay.
Mid kale oo kamid ah dadka baraha bulshada ku faaqiday sicirbararka ka jira Muqdisho ayaa yiri “Xasan Sheekh baahidiisi iyo gacantiisi taagneed ayuu umadda dhan ku sumeeyay oo waa taas caasimaddii lacag la’aan noqotay”!.
Meelaha sida aadka ah suuq xumada looga dareemay waa ganacsiga dhulalka oo kumanaan kun oo qof ay ka shaqeysan jireen, waxaa joogsaday iibsiga dhulalka sababa laxiriira xukuumadda Xasan Gurguurte oo caqabado waaweyn ku ah horumarka bulshada.
Xubno katirsan qoyska Xasan Gurguurte iyo kaaliyaashiisa ayaa dhulboob xad dhaaf leh Muqdisho kawado waxaana la sheegay in ganacsato ay ka iibiyeen dhulal ay soo boobeen kadibna ay khalalaaso ka dhasheen arrinkaas oo sababay in dadka dhulalka iibiya ay ka joogsadaan shaqada suuqa.
Ganacsatadii hantida adag haystay ayaa lacagahooda kala baxay Bankiga,kuwii dhulalka iibsa jirayna cabsi ay ka qabaan xilliga kalaguur ah ayay ujoojiyeen dhaq dhaqaaqyadii ay wadeen.
Xigasho: Somalimemo.