Dhageystayaasha iyo akhirstayaasha ku xiran Mareegta idaacadda islaamiga ah ee Al-furqaan, waxay had iyo goor halkan kala socon karaan wararka iyo barnaamijyada ay idaacaddu baahiso.
Halkan waxaan idiin kugu soo gudbineynaa barnaamijka Diiradda Jimcaha oo todobaadkiiba maanta oo kale aad ka dhageystaan warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan iyadoo lagu soo qaato mawaadiic muhim ah lagana qeyb galiyo dad ku habboon.
Diiradda Jimcaha waxaa maanta looga hadlay, shir todobaadkaan ka dhacay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho oo ay isugu yimaadeen wadaado ay dowladda fedaraalka u yeertay oo u badan kuwa dibadaha ka yimid kana dhex muuqdaan rag aan horey loo aqoon, kaas oo ay kasoo saareen qodobo ay kamid yihiin in la taageero dowladda fedaraalka ee ay beesha caalamku wadato lalana dagaalamo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaana soo jeedinaya C/Samad C/laahi.