HomeAll newsInkabadan 20 Ruux Oo Ku Dhintay Banaanbaxyada Ka Socda Nigeria.

Inkabadan 20 Ruux Oo Ku Dhintay Banaanbaxyada Ka Socda Nigeria.

 

Hay’adda sheegata iney u doodo xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada ammaanka ee dalka Nigeria ay maalmihii lasoo dhaafay toogasho ku dileen, qaar kamid ah dadka ka qeybgalaya banaanbaxyada ka dhacaya wadankaas ee looga soo horjeedo dhibaatada la xiriirta maciishadda iyo quutul daruuriga.

Banaanbaxyada ayaa meelaha ay ka dhacayaan waxaa kamid ah magaala madaxda dalka ee Abuuja, iyo deegaanno iyo degmooyin dhaca bariga wadanka Nigeria, ciidamada ammaanka ayaana rasaas nool nool u adeegsanaya dadka dibadbaxyada dhigaya.

Sida lagu sheegay warka kasoo baxay hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee fadhigeedu yahay dalka Nigeria, waxaa dadka ay dileen ciidamada ammaanka ee dalka Nigeria todobaadyadii lasoo dhaafay, ay marayaan 22 ruux oo dhimasho ah, kuwaasoo u badan dhalinyaro ka qeybgalayay banaanbaxyada.

Ciidamada ammaanka ayaa si bareer ah u tooganaya dadka bananabaxyada ka qeybgalaya, waxaana marka laga yimaado dadka ku dhintay rasaasta ciidamada sidoo kale jira, tobanaan kale oo xabsiyada loo taxaabay, kuwaasoo eed looga dhigay iney xiriir la leeyihiin dhinacyo dibadda ah oo doonaya iney amniga dalka qaqlal geliyaan, sida ay xukuumadda ku doodeyso.

Dadka xabsiyada la dhigay waxaa kamid ah koox dhalinyaro ah oo bananabaxyada iyagoo ka qeybgalaya soo qaatay calanka dalka Ruushka.

Banaanbaxyada ka dhacaya dalka Nigeria ee marba marka ka dambeysa sii socda ayaa salka ku haya dhibaatada xaga nolosha ah ee dlaka ka jirta, waxaana dadku ka cabanayaan cunto yari, iyadoo sicirka maciishaduna cirka isku shareeray.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular