HomeAll newsGudoomiye ku Xigeenkii Hore ee Balad-xaawo oo Qarax Lagu Dilay.

Gudoomiye ku Xigeenkii Hore ee Balad-xaawo oo Qarax Lagu Dilay.

Habeenkii xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay howlgal qarax ah ka fuliyeen, gudaha degmada Balad-xaawo ee gobalka Gedo.

Qaraxa ayaa waxaa lala beegsaday saldhigga Boliska degmada Balad-xaawo, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Bileey Huufood oo katirsanaa saraakiisha Boliska ee dowladda fedaraalka, horayna usoo noqday gudoomiye ku xigeenkii hore ee Balad-xaawo ayaa lagu dilay qaraxaan.

Waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay 3 askari oo midi garaaab yahay, kaas oo lagu magacaabo Deeq.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular