HomeAll newsXasan Sheekh oo Ku Jees-Jeesay Bulshada Muqdisho ee Dhaqaale Yarida Heysato.

Xasan Sheekh oo Ku Jees-Jeesay Bulshada Muqdisho ee Dhaqaale Yarida Heysato.

Xasan Sheekh madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa mowlaca ku yaala madaxtooyada waxa uu maalintii shalay ka jeediyay hadal ay dadka oo dhami gaar ahaan bulshada ku nool Muqdisho ay aad ula yaabeen.

Maadaama ay mudooyinkii dambe dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho wajahayeen cadaadisyo kala duwan oo xagga dhaqaalaha ah oo ay dowladda fedaraalka saartay bulshada, ayaa waxa uu Xasan billaabay in uu ku digto dadka rayidka ah.

Faqriga ku jira Muqdisho ayay dadka halkaasi ku nool ku sifeeyeen mid xoogeystay oo ay dowladda fedaraalka sabab utahay.

Balse Xasan Sheekh ayaa waxa uu sheegay in dadka faqriga ka cabanaya ay yihiin kuwa uu ku tilmaamay in ay XSHM taageeraan, dadka baraha bulshada ka dhaliila dowladdiisa iyo kuwa tuugada ah, isagoo ku hanjabay in hantida inta hartay aay dadku sii weyn doonaan.

Hasa yeeshee waxaa isoo taraya shacabka ku dhaqan Muqdisho ee ka cabanaya shiidka ka jira magaalada, iyagoo sheegay in dhibaatadaan ay dareemeen tan iyo markii uu Xasan Sheekh xilka qabtay.

Halkan ka dhagayso jees-jeeska Xasan Sheekh Maxmuud ee Bulshada Muqdisho.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular