Magaalada Taajuura ee dhacda bariga magaalada Dharaabulis ee caasimadda wadanka Liibiya ayaa waxaa ka dhacay dagaallo culus, kuwaasoo dhexmaraya kooxo hubeysan oo kusugan magaalada.
Maalintii shalay oo JImco ahayd, ayay dagaallada ugu culus marti gelisay magaalada Taajuuraa, labada koox ee dagaallamay ayaana fooda isdaray salaadda khudbada kadib, sida ay soo wariyeen dad goobjoogayaal ah.
Dhinacyada dagaallamaya ayaa isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, gaar ahaan kuwa fud-fudud iyo kuwa dhexe, waxaana dagaalladu saameyn ku yeesheen dadka ku nool magaalada.
Labada kooox ee ku dagaallamay magaalada ayaa kamid ah malleeshiyaadka hubeysan ee sanadihii u dambeysay ku loolamaya dalka Liibiya, magaalada Taajuura ee uu dagaalka ka dhacay ayaana ah magaalo xeebeed 25 kilometer bari kaga beegan magaalada Dharaabulis oo ah caasimadda Liibiya.