Dagaalka wadanka Ukraine ka socda ayaa u muuqda mid sii baahaya, islamarkaana usii gudbaya gudaha dalka Ruushka, waxaana lasoo sheegayaa in ciidamo hubeysan oo katirsan milliteriga Ukraine, ay u suurogashey iney u gudbana gobol Ruushku leeyahay oo ku yaala xuduuda.
Gobolka Koorsek oo kamid ah gobollada Ruushka ee dhaca xuduuda, ayaa waxaa gudaha u galay ciidamo katirsan milliteriga Ukraine, waxaana mandiqadda ay marti gelisay dagaallo culus oo aan waxba la isku reeban.
Wasaaradda dagaalka ee Ruushka, ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegtay, in ciidamadeedu ay si adag uga hortageen isku day ay ciidamada Ukraine ku doonayeen iney kusoo galaan dalka Ruushka.
Waxay intaa ku dartay wasaaraddu iney fashiliyeen dhamaan isku dayadaas, ayna khasaare ba’an gaarsiiyeen ciidamada Ukraine, sida ay warka u dhigtay.
Malleeshiyaadka Fagnar ee calooshood u shaqeystayaasha ah, islamarkaana hoostaga Ruushka, ayaa dhankooda waxay tilmaameen iney diyaar u yihiin iney soo farageliyaan dagaalka ka socda gobolka Koorsek, oo ay dagaal kala hortagaan ciidamada Ukraine.