HomeAll newsWarbixin: Ingiriiska ma Qarka ayuu u Saaranyahay Dagaal sokeeye? .

Warbixin: Ingiriiska ma Qarka ayuu u Saaranyahay Dagaal sokeeye? [Dhagayso].

Majallada  The Ecnomist ee kasoo baxa dalka Ingiriiska, ayaa daabacay warbixin uu ciwaan uga dhigay “ Ma suurogal baa in dalka Ingiriiska uu lugaha lasii galo dagaallo sokeeye” taasoo uu ku tacliiqinayay qulqulatooyinkii waayadii u dambeysay dalkaasi marti geliyay, oo daarnaa naceybka ka dhanka ah muslimiinta ku nool Ingriiska.

Waxay majalladu sheegtay in taageeriyaasha midigta fog ee xagjirka ah, ay dalka Ingiriiska geliyeen todobaadyadii lasoo dhaafay, xaalado hubanti la’aan xaga amniga ah, iyagoo tilmamaya iney kasoo horjeedaan weerar dil toogasho ah oo saddex gabdhood loogu geystay magaalo lagu magacaabo South Port oo u dhow magaalada caanka ah ee Liverpool.

Warbaahinta dalka Ingiriiska qaarkood ayaa daabacay in fuliyaha weerarkaas uu ahaa nin kasoo jeeda dalka Ruwanda, uuna ahaa qof muslim ah, taasi oo goor dambe la ogaaday iney waxba kama jiraan tahay, hadafka laga lahaana ay ahayd in lagu banneysto weeraro lagu qaado muslimiina, masaajidda iyo goobaha waxbarashada.

Waribixnta oo daahfur u ahayd cadadka cusub ee majallada The Econimist, ayaa dadka banaanbaxyada dhiiga ku daatay ka dhigaya dalka Ingiriiska, waxay ku tilmaamtay wax magarato aan garaad lahayn, oo dalka Ingiriiska geliyay xaalad cakiran.

Dadyow careysan oo ay gadaal ka riixeyso naceybka gaamuray ee shucuubta reer galbeedku u qabaan muslimiinta ayaa guud ahaan dalka Ingiriiska iyo gobolka Ireland, waxay ka geysteen rabshado saameeyey muslimiinta ku nool dalkaas, iyadoo lasoo wariyay in masaajid dhowr ah iyo xarumo waxbarasho oo ay muslimiintu leeyihiin la kulmeen weeraro Islaam naceyb ah.

Majallada Economist, waxay ku doodeysaa in qulqulatooyinka ka dhacay dalka Ingiriiska tan iyo 29-kii bishii aynu soo dhaafnay, aaney marnaba suurogal ka ahayn dalka Ingiriiska oo kale ah, sida ay warka u dhigtay, taasoo la jaan qaadi karta xukuumadda cusub ee xisbiga shaqaalaha doonayo inuu ka hirgeliyo wadanka Ingiriiska.

Tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka, qulqulatooyinka iyo rabshadaha waayadan soo maray dalka Ingiriiska, waxay the Economist ku tilmaamtay ine yihiin kuwii ugu xumaa ee uu marti geliyo dalka Ingiriiska.

Sida lagu sheegay iftitaaxiyada majallada Economist ee ka faalloota arimaha dhaqaalaha, haddii uu xaalku sidan kusii socdo, waxaan la huri doonin in dalka Ingiriisku ka dhaco dagaal sokeeye, oo dhulka la galo dalka iyo amnigiisa.

Xisbiga midigta fog ee ay ku dheertahay Islaam naceybka, banaankana soo dhiga, ayay majalladu sheegtay inuu isku bedely awood siyaasadeed oo aan wax astaamo ah lahayn, taasina ay keentay iyadoo dalka Ingiriisku sii noqonayo dowlad cilmaaniyad ah oo aan wax diin ah heysan.

Marka laga hadlayo dadka soo galootiga ee sanad weliba dalkaas soo gaara, waxay majallada The Ecnomist sheegtay in tani ay tahay mid kamid ah mashaakilka ugu weyn ee uu lanool yahay dalka Ingiriiska, iyadoo ku tilmaamtay inuu yahay dhaawac siyaasadeed oo aan marnaba bogsooneynin.

Mucaaradada la xiriirta nidaamka soo galootiga ee dalka Ingiriiska, ayay majalladu aaminsantahay inuu yahay sitaar iyo derbi ay isku qarinayaan kooxaha midigta fog, ee neceyb guud ahaan dadka soo galootiga ah, gaar ahaan kuwa ka imaanaya wadamada caalamka Islaamka.

Waxay majalladu sheegeysaa inaaney marnaba suurogal ahayn in dalka Ingiriisku xasilooni ka dhalato marba haddii ay joogsadaan qulqulatooyinka amni daro ee maalmihii dambe dhacayay, waxayna sheegtay in xagjirnimada xisbiga midigta fog looga hor imaan doono xagjrinimo kale, saaxada ugu ballaaran ee loolankaas marti gelin doontana ay tahay Internetka, oo marka dambe ay uga soo gudbi doonto laamiyada magaalooyinka waaweyn ee Ingiriiska.

Si taasi looga baaqsado, waxay majalladu ku talineysaa in xukuumadda Ingiriiska ay tahay iney la timaado hannaan cadaaladeed oo hufan iyo siyaasad kaadsiimo leh, sida ay warka u dhigtay, taasoo ka dhigan in la ciqaabo dadka ku tumanaya xeerarka wadanka u yaala, sidoo kalena la kala fogaayo Dimquraadiyiinta furan iyo kooxaha xambaarsan mabaadi’da xagjirnimada ee ah taageeriyaasha xisbiga midigta fog.

The Econonimist, waxay ku doodeysaa xalna u aragtaa, in qaraaraad iyo go’aanno si degdeg ah uga soo baxa maxkamadaha dalka, ay meesha ka saari karto qulqulatooyin amni daro oo horleh, iyadoo weliba si gaar ah loo beegsanayo dadka abaabulaya isku soo baxyda, kuwaasoo si firfircoon u adeegsada baraha Internetka.

Booliiska dalka Ingiriiska, ayay usoo jeedisay majallada iney si degdeg ah uga falceliyaan wararka been abuurka ah ee lagu faafiyo Interentka, taasoo ka qeyb qaadaneyso in la huriyo qulqulatooyinka amni, waxayna sheegtay in saacado dhowr ah qaadatay in la ogaado inuu been abuur ahaa warka tilmaamaya in fuliyaha weerarkii gabdhaha lagu dilay ee ka dhacay meel u dhow Liverpool, uu ahaa qof muslim ah, taasoo siyaasiyiinta xisbiga midigta fog u adeegsadeen mid ay ku kicinayaan bulshada Ingiriiska.

Inkastoo majallada The Economist ay sida muuqato taabacsantahay xisbiga muxaafidka ah, hadana inta badan warbaahinta dalka Ingiriiska waxay qeyb ka ahaayeen ijaafeynta muslimiinta, iyo bulshada Ingiriiska ee Nasaarada u badan lagu kiciyo muslimiinta ku nool wadankaas.

Waxay warbaahinta dalka Ingiriiska si indho la’aan u baahinayeen warbixinno iyo warar la xiriira in dhibaatooyinka amni iyo kuwa dhaqaale ee heysta wadanka Ingiriiska, ay sababta ugu weyn leeyihiin dadka muslimiinta ah ee soo galaya dalka.

Hay’adda Human Rights Watch ee fadhigeedu yahay dalka Maraykanka, ayaa sheegtay in warbaahinta dalka Ingiriiska iyo shirkadaha baraha bulshada, ay qeyb ka yihiin kicinta dadweynaha, iyo beegsiga ka dhanka ah muslimiinta Ingiriiska.

Halkan ka dhagayso Warbixin xaaladda dalka Ingariiska- Majallada The Economist

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular