Mid kamid ah ilaalada Madaxweyne kuxigeenka maamulka la baxay Galmudug Cali Daahir Ciid, ayaa lagu dilay weerar ay ka dambeeyeen maleeshiyo hubeysan oo ka dhacay gobalka Galgaduud.
Maleeshiyaad hubeysan ayaa gaari ka baxay degmada Caabudwaaq ku rasaaseeyay, degaanka Ceelasha Biyaha ee dhaca inta udhaxeysa Balamballe iyo Caabudwaaq.
Falkan oo dhacay saacadihii lasoo dhaafay, ayaa waxaa ka dhashay dhimasho dhaawac soo gaartay dadkii saarnaa gaariga.
Liibaan Gaarane oo ahaa mid kamid ah ilaalada madaxweyne kuxigeenka maamulka la baxay Galmudug Cali Daahir Ciid, ayaa ku dhintay weerarkan, waxaana sido kale ku dhaawacmay 3 qof oo kale.
Weerarkan ay ka dambeeyeen maleeshiyaadkan hubeysan, ayaa la sheegayaa inuu salka ku hayo aano qabiil.
Waayihii udambeeyay waxaa gobolka Galgaduud ka dhacayay dagaallo udhaxeeya qaar kamid ah qabaa’ilka halkaasi wada dega, kuwaasoo ilaa iyo haatan aan xal-waare laga gaarin, sido kalena aysan jirin cid kale dhexgashay beelaha ay diritu ka dhaxeyso.