Jamaacada Jihaadiga ah ee Nusratul Islaam wal Muslimiin ayaa silsilado weeraro ah waxay ka fulisay dalalka Maali iyo Burkina Faso, kuwaasoo ay khasaare lixaad leh ku gaarsiisay ciidamada milliteriga Bamaako, Wag-daagu iyo calooshood u shaqeystayaasha Fagnar.
Wadada xiriirisa tuulooyinka Marjaa iyo Karifoor ee dalka Maali, waxay ciidamada Nusratul Islaam wal Muslimiin weerar kamiin ah ugu dhigeen ciidamo katirsan calooshood u shaqeystayaasha Fagnar, halkaasna waxaa ka dhashey khasaare gaaray ciidankaas, inkastoo ay aad u qarinayaan waxyeellada rasmiga ah.
Tuulo lagu magacaabo Kuwaakro oo katirsan gobolka Mobti ee wadanka Maali, waxay ciidamada Nusratul Islaam wal Muslimiin ku qaadeen weerar culus oo ay ku beegsadeen saldhig ay ku sugnaayeen milliteriga Maali, halkaasna waxaa lagu dilay 2 askari, halka intii soo hartey ay lugta fureen.
War kasoo baxay mu’assasada Az-Zallaaqa waxaa lagu sheegay, in weerarkaas ay ciidamada Mujaahidiinta kusoo furteen saanado hub ah oo kala duwan, oo ay ku jiraan gawaarida dagaalka.
Haddii aan u imaanno dalka Burkina Faso, waxay ciidamada Nusratul Islaam wal Muslimiin ee ka howlgala wadankaas ay fuliyeen weeraro lagu beegsaday milliteriga dalkaas, oo isuga jira kuwa toos ah iyo kamaa’inno jidgal ah.
Koonfoosi iyo Sooli oo kamid ah deegaannada dalka Burkina Faso, ayay ciidamada Nusratul Islaam wal Muslimiin weerar ku qaadeen, iyagoo dagaalkaas ku diley tiro ciidamo ah, kuna soo furtey saanado hub ah.
Intan oo keliya maahan, waxaa dalalka Maali iyo Burkina Faso ka dhacay saacadihii lasoo dhaafay weeraro xoogan oo khasaare dhaliyay, iyadoo meelaha qaar ay u suurgashey Nusratul Islaam wal Muslimiin iney ka ceyriso ciidankii joogay.
Deegaanno dhowr ah oo katirsan Maali iyo Burkina Faso, ayaa laga taagay raayada Towxiidka, kadib markii laga ceyriyay ciidamadii ku sugnaa, mu’assasada Az-Zallaaqa ayaana faafisay sawirro ka tarjumaya deegaannada ay Mujaahidiintu gaareen iyo hubka kala duwan ee ay soo furteen.
Nusratul Islaam wal Muslimiin, ayaa ah jamaaco jihaadi ah oo ka howlgashada wadamada saaxilka iyo saxaraha Afrika, waxaana ay hoostagtaa ururweynaha Jihaadiga ah ee Al-Qaacida, ee ka howlgala inbadan oo kamid ah dunida Islaamka, una xusul duubaya soo celinta Khilaafada iyo in wadamada muslimiinta laga xoreeyo gumeysiga Shisheeyaha.