Dalka Bangaladesh oo deris la ah Miyanmar, ayaa waxaa soo gaaraya boqollaal muslimiin ah, oo kasoo barakacay dhibaatada ay kala kulmayaan Buudiyiinta ku nool dalka Baarma.
Todobaayadii lasoo dhaafay waxaa dalka Bangaladesh soo gaaray boqollaal ruux oo kasoo cararay gobolka Raakhiin, halkaas oo ah meelaha ugu daran ee lagu dhibaateeyo muslimiinta.
Hay’ad lagu magacaabo Dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn, ayaa shaacisay in xuduuda Bangaladesh iyo Baarma ay ku qaabileen dad badan oo qaba dhaawacyo kasoo gaaray dagaallada ka socda wadanka Baarma.
Dadka dhaawacyada qaba ee ay daweeyeen maalmihii lasoo dhaafay ayay sheegeen in tiradoodu kor u dhaafeyso 30 ruux, ayna dhaawacyadu ahaayen kuwa kala heer ah.
Buudiska dab caabudka ah ee kunool dalka Baarma, ayaa dhibaato xarga goosatay ku haya muslimiinta mustadcafiinta ah ee Miyanmar, kuwaasoo dantu baday iney ka cararaan dalkooda, iyagoo soo dhaweyn wanaagsan ka helin wadamada muslimiinta ee deriska ay yihiin sida Bangaladesh.