Axmed Bashiir waxa uu kamid ah yahay dhalinyarada ku dhaqan magaalada Muqdisho, kaas oo iminka xanuunsanaya.
Wiilkaan dhalinyarada ah oo kamid ah dadka danyarta ah ee ku nool magaalada Muqdisho, ayaa kol sii horreysay waxa uu bulshada usoo bandhigay iney ka caawiyaan qarashkii uu isku daweyn lahaa oo uu isagu awoodin.
Balse waxaa lambarkiisa soo wacay qolyaha faafiya Kirishtanka, kuwaas oo usoo bandhigay inuu gaaloobo, taas badalkeedana ay dawada ka bixin doonaan.
Hasa yeeshee waa uu ka biyo diiday arrinkaas, waxa uuna bulshada la wadaagay qisadaas isaga qabsatay, isagoo tilmaamay in magaalada Muqdisho ay kusoo badanayaan kuwa faafiya gaalnimada, ayna diinta ka sareen dhalinyaro badan.