Maalintii shalay maamulka Aala-Sucuud ee ka arrimiya dhulka Xarameynka ayaa waxa uu xukun dil ah ku fuliyay nin udhashay dalka Itoobiya.
Ninka xukunka lagu fuliyay oo lagu magacaabo Miki Garmay, ayaa lagu soo eedeeyay inuu horay dil ugeystay.
Wasaaradda arrimaha gudaha ee Aala-Sucuud oo bayaan soo saartay ayaa waxa ay ku sheegtay, in ninka Itoobiyaanka ah ee la toogtay uu horay udilay muwaadin Sucuudiyaan ah.
Xukunka dilka ah ayaa waxa uu ka dhahacay mandiqadda lagu magacaabo Casiir ee ku taalla dhulka Xarameynka ee uu ka arrimiyo maamulka Aala-Sucuud.