HomeAll newsMidowga Afrika oo Sheegay Iney Sii Xoogeysaneyso Awoodda Xarakada Al-Shabaab.

Midowga Afrika oo Sheegay Iney Sii Xoogeysaneyso Awoodda Xarakada Al-Shabaab.

Qiimeyn uu sameeyay ururka Midowga Afrika, ayaa lagu sheegay in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay marba marka kasii dambeysa hal abuureyso qaabab iyo xeelado ay ku hormarineyso weerarada ka dhanka ah ciidamada Shisheeye ee dalka jooga iyo Dowladda Federaalka.

Marka laga hadlayo dhanka Sirdoonka, waxaa qiimeyntan ay sameeyeen khubaro ka tirsan Midowga Afrika lagu sheegay, in awoodda Sirdoon ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay sii xoogeneyso, ayna Xarakadu leedahay nidaam sirdoon oo awood leh, kaasoo adeegsada qalabyada teknoloojiyadda casriga ah, arimahaasina uga faa’ideysanayaan fulinta weeraro culus.

Dhanka dagaalyahannada cusub ee ku biiraya halganka ay wado Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayuu sheegay Midowga Afrika iney sii kordheen waayadii u dambeysay, ayna ciidamada Muhaajiriinta ka koobanyihiin dhalinyaro muslimiin ah oo ka tagay dalal dhaca bariga iyo bartamaha qaaradda Africa.

Weeraradii ugu dambeeyay ee ay fulisay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, gaar ahaan kii ka dhacay Beach Veiw, ayaa dhaliyay walaac horleh oo ay muujinayaan khubarada ka faallooda arimaha Soomaaliya iyo Shisheeyaha duullaanka kusoo qaaday dalkan, waxayna dhamaantooda isku raaceen in awoodda Al-Shabaab ay sii xoogeysaneyso marba marka ka dambeysa.

Falanqeeye katirsan kooxda ICG oo lagu magacaabo Cumar Maxmuud, ayaa tilmaamay in rajada ay leeyihiin Siyaasiyiinta iyo xaqiiqda taalla fagaaraha dagaalka ay labo kala tahay, xilligan la joogana ay muuqato in Dowladda Federaalka aaney ka maarmin ciidamada Shisheeyaha.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular