Xalay saqdii dhexe waxaa magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Wadajir lagu dilay, askari katirsanaa ciidanka Danab ee uu Mareykanku ku shaqeysto, kaasoo sida lasoo warinayo dilkiisa ka dambeysay, haweeney magaceeda lagu sheegay Nawaal Saalax Cabdulle.
Dilka ayaa ka dhacay guri uu askariga joogay, waxayna haweeneydu adeegsatay qorigiisa, iyadoo wadanaha ka toogatay.
Markii hore dhaawac ayaa soo gaaray askarigan oo lagu magacaabijiray Liibaan Cabdi Daahir, wuxuuna ugu dmabeyntii uu ugeeriyooday isla dhaawacii, lama oga sababta ay haweeneyda udishay ninkan iyo waxa rasmiga ah ee ka dhexeeyay.
Sawir laggasoo qaaday meydka askarigan ayaa lagu faafiyay baraha bulshada, waxayna xabaddu kaga taal dhinaca wadanaha.
Haweeneyda dishay ninkan ayaa waxaa xiray ciidanka dowladda fedaraalka, iyadaiyo dad kale oo guriga kula sugnaa.
Ma ahan markii ugu horreysay oo hab noocaan oo kale ah loo dilo askarta dowladda fedaraalka.