Wiil dhalinyaro ah ayaa magaalada Muqdisho waxaa saacadihii lasoo dhaafay ku diley ciidamo katirsan Dowladda Federaalka.
Ciidamo katirsan sirdoonka Dowladda Federaalka ee NISA ayaa toogasho ku dilay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Hanad Axmed Dhagajuun, oo uu adeer u ahaa gudoomiyihii hore ee degmada Hodan ee maamulka gobolka Banaadir, kaasoo laftiisu dileen ciidamo katirsan Dowladda Federaalka.
Xubno katirsan qoyska wiilka ayaa codsaday iney cadaalad u helaan wiilkooda, lana soo qabto ciidankii dilkiisa ka dambeeyay.
Waxay codsadeen inaaney dhicin sidii horey u dhacday, oo raggii dilay Cabdi Xakiim Dhegajuun oo ahaa gudoomiyihii hore ee degmada Hodan, loo dalacsiiyay oo loo siiyay xilal.
Dilka ka dhanka ah qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa caadi ka noqday Muqdisho, waxaana xitaa dadka la dilayo kamid ah xubnaha Dowladda Federaalka.
Halkaan ka Dhageyso Faahfaahinta Dilka