Tobanaan ruux ayaa lasoo warinayaa iney ku dhinteen daadad xooggan iyo roobab ka da’ay dhowr gobal oo katirsan dalka Suudaan.
Daadadka ayaa waxa ay ku fataheen degaanno katirsan goballo dhowr ah oo ku yaalla Suudaan, kuwaas oo sababay dhimashada iyo dhaawaca in ka badan 200 oo ruux, taas oo ay sii dheer tahay burburka kumannaan guryo ah.
Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda Suudaan waxa uu sheegay, in illaa iyo hadda ay tirada dhimashada mareyso 68 ruux, halka dhaawacuna uu yahay 130 kale.
Waxa uu intaas ku daray, in illaa 4,000 oo guryo la dagan yahay ah ay gabi ahaanba burbureen, halka 8,000 oo kaena ay waxyeello soo gaartay, taas oo ay sii dheer tahay 40 xarumood oo ah goobaha dadka loogu adeegooo ku burburay daadadka.