Maalintii shalay dhul gariir cabirkiisu yahay 5.5 ayaa waxa uu ku dhuftay bartamaha dalka Suuriya, kaas oo ay sidoo kale dareemeen dadka ku nool wadamada Lubnaan iyo Urdun.
Magaalada Xammaah ayaa si gaar ah looga soo calaamadeeyay dhul gariirkaan laga dareemay wadamo ka baxsan Suuriya.
Wakaaladda wararka ee Urdun ayaa dhankeeda sheegtay, in saacad kadib dhul gariirka koowaad uu dhacay mid kale.
Dhul gariirradaan ayaa kusoo aadaya iyadoo bishii Febraayo ee sannadkii 2023-ka dhul gariirro ka dhacay wadamada Suuriya iyo Turkiga ay ku dhinteen ku dhawaad 60-kun oo ruux.