Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, oo kamid ah meelaha uu ka taliyo maamulka labaxay Galmudug, ayaa waxaa ka dhacay dagaal u dhexeeya shacab cubeysan iyo ciidamada booliiska.
Taliyaha booliiska degmada Cadaado ee maamulka Galmudug Xuseen Axmed, ayaa ku dhaawacmey iska hor imaad magaalada ku dhexmaray rag hubeysan iyo ciidamada Booliiska.
Dhaawiciisa ayaa loo qaaday magaalada Muqdisho, si halkaas loogu dabiibo, illaa iyo hadana lama oga waxa uu salka ku hayo dagaalkan.
Dhaawaca soo gaaray taliyaha booliiska degmada Cadaado, ayay warbaahintu ku sheegtay inuu yahay mid fudud, waxaana sidoo kale iska hor imaadka ku dhaawacmey qof kale oo shacab ah.