Cabdi-Raxmaan Yuusuf Ceynte, oo kamid ah siyaasiyiinta qeybta ka ah wadahadallada Turkiga ka socda ee Itoobiya lagu siinayo badda Soomaaliya, ayaa si qota dheer uga hadlay arintan iyo waxay salka ku heyso.
Wuxuu ugu horeyn gef ka galay guud ahaan umadda Soomaaliyeed, isagoo halgankii dheeraa ee Soomaalidu la gashey Itoobiya ku tilmaamtay taariikh madow, oo ay isku dayeen dowladihii dalka soo maray iney iska illoobaan, laakiin maalinna aaney Itoobiya hilmaamin.
Wuxuu sidoo kale sheegay in Dowladda Federaalku lahayd codsiga ah in ciidamada Itoobiya duullaanka ku jooga Soomaaliya lagu daro howlgalka ciidamada Shisheeyaha ee loogu yeero nabad ilaalin, laakiin Itoobiyaanku markasta fariinta ka imaaneysay ay ahayd mid colaad.
Marka laga hadlayo kulanka ka socda Ankara, wuxuu sheegay Cabdi-Raxmaan Ceynte in Itoobiya ay diidantahay iney ka noqoto is-afgaradkii ay la gashey maamulka Soomaaliland, is afgaradkaasna asal ahaanba uu ahaa mid ay Itoobiya ku cadaadineysay Dowladda Federaalka, si ay uga hesho wax weliba oo ay uga baahantahay.
Wuxuu sheegay in Itoobiya aaney xilligan rabin dekad ganacsi, ee waxay dooneyso yihiin iney hesho marin biyood ay iyadu leedahay, taasina ay daliil u tahay ciidanka badda ee ay Itoobiya dhisatay.
Halkan ka dhagayso warka Cabdi-Raxmaan Yuusuf Ceynte- Arimaha Badda Soomaaliya