HomeAll newsSarkaal Katirsan Maamulka la Baxay Puntland oo Lagu Dilay Gobalka Sanaag.

Sarkaal Katirsan Maamulka la Baxay Puntland oo Lagu Dilay Gobalka Sanaag.

Habeen hore ayaa waxaa degmada Badhan oo katirsan Sanaag ee uu ka arrimiyo maamulka la baxay Puntland lagu dilay, sarkaal katirsanaa maamulkaas.

Dilka ayaa loo geystay taliyihii garoonka diyaaradaha ee degmada Badhan Xuseen Maxamed Aadan oo loo yaqiinay (Af-Bulsho), iyadoona aan illaa iyo hadda la ogeyn cidda ka dambeysay dilka.

Ciidamo katirsan maamulka la baxay Puntland ayaa dilka kadib goobta soo gaaray, iyagoona daqiiqado baaritaanno ah kadib ku guul darreystay iney gacanta kusoo dhigaan qolyihiin dilka geystay.

Meydka taliyaha ayaa goordambe laga qaaday halkii lagu dilay, illaa iyo haddana majiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Puntland oo ku aaddan dilka sarkaalkaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular