Wararka ka imaanaya dalka Ingiriiska ayaa ku waramaya, in maxkamad ku taalla wadankaas ay xukun xabsi ah ku riday haweeney horey ugu baaqday in la qarxiyo masaajidda, laguna dhex dilo dadka ku tukanaya.
Juwiili Suwiini oo 35 sano jir ah, ayaa maxkamad ku taallada dalka Ingiriiska lasoo hor istaajiyay, waxayna qiratay iney baraha bulshada ku daabacday qoraallo ay ku baaqeyso in la qarxiyo masaajidda ku yaala dalka Ingiriiska, dadka ku tukanayana lagu dhex dilo.
Xilliga ay qoraalka qoreysay, waxay haweeneydan comment ama faallo ka bixineysay sawir lasoo dhigay Facebooka, oo muujinayay dad muslimiin ah oo nadiifinayay masjid ay soo weerareen kooxaha Islaam naceybka ku caan baxay ee dalka Ingiriiska.
Waxaa lagu xukumey xabsi dhan 15 bilood, taasoo aad loola yaabay, maadaama eedeymaha noocaan ah ee la xiriira in lagu baaqo dilka dadka ay Ingiriiska ka tahay dembi weyn, laakiin sida muuqata marka qofka uu muslim yahay ayuu mudanyahay xabsi intan kabadan.