Hay’adda WHO, ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegtay in furuqa daanyeerada uu kusii fidayo qeybo kamid ah qaaradda Afrika, sidaasi darteedna ay ku dhawaaqayaan xaalad deg-deg ah.
Cudurkan ayaa kasoo billowday wadanka Koongada Dimuqraadiga, laakiin waxay hadda hay’addu sheegeysaa inuu uga sii gudbay wadamo kale oo ay kamid yihiin Burundi, Kenya, Ruwanda iyo Uganda.
Gudoomiyaha hay’adda WHO, ayaa soo jeediyay iney lama huraan tahay in caalamka oo idil uu iska kaashado sidii loooga hortagi lahaa cudurkan faafa, kaasoo hadda kusii fidaya Afrika.