War kasoo baxay Qaramada Midoobay, ayaa lagu sheegay in xubin katirsan shaqaalaheeda oo afduub loogu heystay gudaha dalka Itoboiya, ay xaqiijiyeen in kooxihii heysta ya dileen.
Ninka la dilay ayaa lagu magacaabaa Yared Malese, wuxuuna ka shaqeynayay xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arimaha banii Aadamnimada ee OCHA, qeybtiisa dalka Itoobiya.
Deegaan lagu magacaabo Dawunt oo dhaca wuqooyiga Wello Zone, ee gobolka Amxaarada ayaa lagu qafaashey ninkan, waxaana kooxda afduubatay ay horey u dalbadeen in lacago madax furasho ah la siiyo.
War kasoo baxay Qaramada Midoobay, ayaa lagu sheegay iney cambaareynayaan dilka loo geystay ninkan katirsanaa shaqaalahooda, iyagoona kooxda dilka geystay ku tilmaamay iney dambiilayaal yihiin.
amiz Alakbarov oo ah masuulka hay’adda OCHA ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in dilka, dhaca iyo qafaalka loo geysanayo xubnaha ka shaqeeya xafiisyada Qaramada Midoobay ay yihiin arimo aan la aqbali karin, oo ku tumanaya xeerarka caalamiga ah, sida uu warka u dhigay.
Tan iyo horaantii sanadkan 2024-ka, waxaa dalka Itoobiya lagu dilay 8 ruux oo kamid ahaa shaqaalaha hay’adaha Qaramada Midoobay, kuwaasoo 6 kamid ah lagu dilay gobolka Amxaarada, waxaana la qafaashey ugu yaraan 14 shaqaale, kuwaasoo badankooda laga afduubtay magaalada Gonder ee gobolka Amxaarada.