HomeUncategorizedMasjid ku Yaalla Mareykanka oo la Kulmay Farriin Hanjabaad ah.

Masjid ku Yaalla Mareykanka oo la Kulmay Farriin Hanjabaad ah.[DHAGEYSO]

Masaajid ku yaala dalka Maraykanka, ayaa la kulmay farriin hanjabaad ah oo ku aadan weerar lagu soo qaadi doono.

Masjidka Daarul Qalam ee ku yaala magaalada Miniyaabulis ee gobolka Minnisoota ee dalka Maraykanka ayaa la kulmay fariimo hanjabaad ah oo la xiririta in lagu soo qaadi doono weerar.

Qof ayaa 14 jeer soo wacay, wuxuuna markii dambe usoo duubay codadka hanjabaad ka dhan ah masjidka iyo muslimiinta ku tukata, isagoo sidoo kale aflagaado u geystay Nabi Muxammad Salla-llaahu caleyhi wasallam.

Gudiga masjidka oo warbahainta la hadlay ayaa sheegay in sidoo kale loo soo diray muuqaalada weeraradii cuslaa ee 2019-ka lagu qaaday labo masjid oo ku yaala dalka New Zealand, oo lagu laayay muslimiin badan oo xilligaas tukanayay salaadda Jimcaha.

Guud ahaan muslimiinta ku nool wadamada reer galbeedka, gaar ahaan Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa waayadan la nool xaalad cabsi ah, waxaana saacad weliba ay filan karaan iney la kulmaan weeraro ay soo qaadaan dadka gaalada ah ee ay ku dhex noolyihiin.

Halkaan ka Dhageyso Warbixinta Hanjabaadda loo jeediyay Masjidka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular