Habeenkii xalay, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dagaallo culus ku qaaday saldhigyo ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa Dowladda Federaalka ku leeyihiin qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose.
Saldhiga ciidamada Shisheeye ee deegaanka Buur-Culow ee Baraawe, ayay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab dagaal culus ku qaadeen, waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Sidoo kale, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay dagaal ku qaadeen saldhig ciidamada Dowladda Federaalka ku leeyihiin deegaanka Ceelasha-biyaha ee duleedka Muqdisho.
Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey labadan weerar ee xalay ka dhacay qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose.