HomeAll newsUganda oo Dalbatay Magdhowga Ciidamadeeda lagu Dilay Soomaaliya.

Uganda oo Dalbatay Magdhowga Ciidamadeeda lagu Dilay Soomaaliya.

Taliyaha guud ee ciidamada Uganda ee magacooda loo soo gaabiyo UPDF Jeneraal Mohoozi Kainerugaba oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaas Yuweri Museveni, ayaa ka dalbaday Maraykanku inuu bixiyo magdhowga ciidamada Uganda ee Soomaaliya ku dishey Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Qoraallo xiriir ah oo uu soo dhigay barta X, ayuu taliyaha ciidamada Uganda wuxuu ku sheegay inuu ka dalbanayo Maraykanka inuu bixiyo ugu yaraan 100 bilyan oo doollarka Maraykank, taasoo uu sheegay iney tahay waxa ugu yar ee ay Maryakanka uga sugayaan inuu magdhow ahaan u siiyo.

“ Waxaan Maraykanka ku leenahay ugu yaraan 100 bilyan oo dollar, maadaama aan shaqo ka qabannay Soomaaliya, waxaan sugnaaba waa in nalagu soo wareejiyaa lacagtaas” ayuu yiri taliyaha guud ee ciidamada Uganda Jeneraal Mohoozi Kainerugaba.

Muxamadul Amiin Suweef oo ah eregyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arimaha howlgalka ATMIS, ayaa dhawaan shaaca ka qaaday iney diiwaan geliyaan khasaare dhan 4000 oo askari, dalka ugu badan ee ciidamada looga dilay Soomaaliyana uu yahay dalka Uganda.

Dalka Uganda, ayaa ahaa wadankii ugu horeeyay ee dhaca bariga Afrika, kaasoo ciidamo duullaan ah usoo diray Soomaaliya 2007-dii, xilligaas oo wadanka qeybo kamid ah joogeen ciidamo Itoobiyaan ah, oo gumaad arxan darro ah u geysanayay shacabka Soomaaliyeed.

Inkastoo Uganda iyo dalalka kale ee ciidamada usoo direy Soomaaliya, ay wateen halkudhigyo marin habaabin ah oo ay lamid tahay nabad ilaalin, hadana ciidamada Uganda ayaa Muqdisho ka geystay gabood falladii ugu wuxuushnimada badanaa, iyagoo duqeymo aan loo meel dayin ku dilay kumanaan ruux oo Soomaali ah.

Dhanka ciidamada Uganda, waxaa iyaguna gaaray khasaaraha ugu badan ee dalkan loo geystay ciidamada Shisheeye ee kusoo duuley, Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaana tobanaan howlgal oo qorsheysan waxay ku beegstay ciidamada Uganda iyo saldhigyada ay ka joogaan Muqdisho iyo Shabeellaha Hoose.

Waxaa dagaalladaasi lagu dilay boqollaal askari oo Yugaandhees ah, halka tobanaan kale oo maxaabiis ahna ku jiraan xabsiyada Al-Shabaab, weeraradii ugu dhiig daadashada badnaa ee ay ciidamada Uganda la kulmeen ayaana waxaa kamid ah weerarkii Jannaale ee 2015-ka iyo weerarkii Buulo-Mareer ee 2023-ka, kuwasoo dhamaantooda ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular