Waxaa goordhow degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, ka dhacay qarax xoogan oo lagu beegsaday goob isku imaatin ah oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowladda Federaalka.
Goob isku imaatin ah oo ay ku sugnaayeen ciidamada Dowladda Federaalka, ayaa lagu weeraray qarax xoogan, kaasoo geystay khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac.
Ugu yaraan 15 askari oo katirsan ciidamada Dowladda Federaalka ayaa ku dhintay qaraxa, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.
Masuuliyadda qaraxan khasaaraha dhaliyay waxaa sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, sida ay baahisay Idaacadda Al-Andalus oo ku hadasha afka Mujaahidiinta.