HomeAll newsDiyaaradaha Yahuudda oo Duqeymo Ka Fuliyay Dalka Lubnaan.

Diyaaradaha Yahuudda oo Duqeymo Ka Fuliyay Dalka Lubnaan.

Waxaa sii kordhaya marba marka ka dambeysa duqeymaha ay diyaaradaha Yahuudda ka geysanayaan dalka Lubnaan, ee deriska la ah dhulka Filastiin ee kujira gumeysiga Yahuudda.

Saacadihii lasoo dhaafay diyaaradaha maamulka Yahuudda, waxay duqeymo xoogan ka fuliyeen deegaanno katirsan wadanka Lubnaan, gaar ahaan kuwa xiga xuduud beenaatka, waxaana duqeymahaas dhaliyeen waxyeello kala duwan.

Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Lubnaan, ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegtay in duqeyn ay diyaaradaha Yahuuddu ka geysteen mandiqadda Waadi Al-Kafuur ee koonfuta dalka Lubnana aroornimadii hore ee maanta oo Sabti ah, ay ku dhinteen ugu yaraan 6 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale.

Tan iyo markii uu billowday dagaalka Yahuuddu ka wadaan Marinka Qazza, waxaa dalka Lubanaan isaguna marti gelinayaa silsilado duqeymo ah oo ay geysanayaan diyaaradaha Yahuudda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular